Friday, July 11, 2025

Madaxweynaha Puntland oo safar Sacuudiga iyo Imaaraadka kadib ku laabtay Boosaaso [Sawirro]

Madaxweyna Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti  uu hogaaminayo ayaa maanta  dib ugu laabtay magaalada Boosaaso kadib safar xaj ah iyo Imaaraadka Carabta oo uu lugta soo mariyay.

Madaxweyne Gaas iyo weftigiisa oo ka degey magaalada Boosaaso ayaa waxaa kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha magaaladaasi, maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, aqoon yahano iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaah dawladda Puntland ayaa ugu horaynka warbixiyey socdaalkiisii dalka sucuudiga iyo dalka isutaga Imaaraadka Carabta oo uu soo maray, waxaana uu sheegay Madaxweynuhu in isaga iyo weftiga uu hogaaminayo ay dalka Sucuudiga u tageen gudashada waajibaadka Xajka .

“Muddo sadex isbuuc ka badan waxaan jirney dalka Sucuudiga Arabia iyo dalka Imaaraadka oo aanu soosocod-kayagii soo marnay, dalka Sacuudi Arabia waxaanu u tagnay waxay ahayd gudashadii waajibaadka Xajka, si fiican bayna runtii noogu soo dhammaatay dalka iyo dadkana waan usoo ducaynay ” ayuu yiri Madaxweyna dawladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sheegay in isaga iyo wefti uu hogaaminayo ay soo mareen dalka Imaaraadka Carabta, halkaasi oo ay u tageen arrimo la xidhiidha horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dawladda Puntland.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa xaqiijiyey inay aad ugu farax san yihiin inay dib ugu soo noqdaan dalka oo nabadda, waxaana uu shacabka iyo masuuliyiinta dawladda Puntlandba ku bogaadiyey sida wanaagsan ee ay isaga kaashadeen sugidda amniga, horumarka iyo xasiloonida dalkooda.

SAWIRRO  
     

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON