Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa u socdaalay dalka Imaaraadka Carabta oo safarkiisii ugu horeeyay uu ku tegayo intii uu noqday madaxweynaha Puntland bishii Janaayo 2019.
Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa Imaraadka Carabta ku kumi dooona qaar ka mida madaxda dalkaasi iyo Shirkadda DP World ee maamusha Dekadda magaalada Boosaaso oo dhowaan agaasimaheedii lagu dilay magaalada Boosaaso.
Imaaraadka ayaa xiriir dhow la leh maamulka Puntland, wuxuuna mashaarcii kala duwan ka fuliyaa degaanada Puntland, halka uu taageero ciidamada Badda Puntland iyo kuwa gaarka ah.
Xiriirka xumaaday ee Imaaraadka iyo Dowladda Somalia ayaan wax saameyn ah ku yeelan Puntland oo maamulkii C/weli Gaas iyo Siciid Deni ay sii xoojiyeen xiriirka kala dhaxeeya Imaaraadka Carabta.
Wararka ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland uu tegi doono dalka Shiinaha oo lugtiisa labaa ee safarkiisa uu kulamo kula yeelan doono Shirkado Shiineys oo mashaariic ka fulin doona Puntland.