Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni uu kulan quraac ah barqadii ugu yeeray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo madaxda maamul Goboleedyada dalka.
Kulanka Quraacda ah oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada Garowe ayaa kadib waxaa shir gaara u furmay madaxweyne Farmajo iyo madaxda dowlad Goboleedyada, shirkaasoo uu codsaday madaxweyne Siciid Deni ayna aqbaleen dhinacyaada kale.
Dowladda federaalka iyo dowlad Goboleedyada ayaa khilaaf weyn oo muddo jiiatamayey u dhaxeeyay, siiba maamullada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug oo xiriirka u jaray dowladda Federaalka, waxaana shirkan uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee labada dhinac dhex mara.
Shirka oo weli u socda madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa ah is arag hore, waxaana la filayaa inuu fure u noqdo is mari waagii dhex yaallay dowladda federaalka iyo maamullada dalka.