Friday, July 18, 2025

Madaxweynaha Puntland oo si caga-jiid ah ku tegay Magaalada Garowe

Gas

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa culeys lagu saaray inuu tago magaalada Garowe si uu u furo kalfadhiga 36-aad ee Baarlamaanka Puntland oo halkaas ka fumaya.

Wararka ayaa sheegaya in C/weli uu ku adkeystay inuu sii joogo Gaalkacyo oo howlo ay qabyo uga yihiin, taasoo uu ka biyo diiday guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo ku dooday inaysan suuragal ahayn in madaxweynihii Puntland oo jooga ay cid kale furto kalfadhiga Baarlamaanka.

C/weli Gaas oo muddo ka badan laba bilood ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa dhaliilo kala duwan loo jeedinayaa waxqabadkiisa, iyagoo golaha wasiirada xukuumadiisa aanay wax kulamo ah yeelan muddo ku dhow saddex bilood.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya inuu madaxweynaha Puntland ku qasbanaaday inuu tago magaalada Garowe, isagoo goor dhoweyd gaaray magaalada Garowe oo si diiran loogu soo dhoweeyay, waxaana lagu wadaa inuu maanta furo shirka golaha Baarlamaanka Puntland, kadibna dib ugu laabto Gaalkacyo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON