Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni oo maanta furay kalfadhiga Golaha Wakiilada maamulkaasi, ayaa su’aalo adag kasoo wajahay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland, waxaana uu bixiyey jawaab kulul oo sawaxan weyn dhalisay, kadibna keentay inuu isaga baxo fadhiga Baarlamaanka.
Xildhibaan Cawil Daad ayaa madaxweyne Siciid Deni weydiiyey su’aalo ay ka mid ihiin inay kasii dartay xaaladda Puntland, isla markaana mudaddii uu xilka hayey oo 9 bilood ah ay u muuqato mid waqtigu ka dhammaaday, wuxuuna u soo jeediyey inuu xilka iska casilo.
Madaxweyne Deni oo is difaacaya ayaa faahfaahiyey waxqabadka xukuumadiisa, wuxuuna tiriyey horumarka uu gaaray intii uu xilka hayey, isagoo si toos ah u weerarray xildhibaanka su’aalaha weydiiyey ee xildhiban Cawil oo uu sheegay inuu ka mid ahaa maamulkii hore ee ku guuldarreystay inuu bixiyo mushaarka dowladda.
“Waad aamuseysaa.. nidaamka dowladnimada haddii aadan raacina adigaa qaadi doona mas’uuliyadda… ma ahi nin lagu cabsiin karo inaan garan waayey mas’uuliyadeyda… Baarlamaanka waxaan rajeynayaa inuu shaqadiisa aqoonsado…” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Deni oo intaas kadib ka baxay fadhigii Baarlamaanka.
HOOS KA DAAWO