Tuesday, July 1, 2025

Madaxweynaha Puntland oo si weyn uga hor yimid War ka soo yeeray Guddiga Doorashada Qaran, kuna tilmaamay..

Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa si weyn uga hor yimid War ay maanta soo saareen Guddiga Madaxda bannaan ee Dooorashooyinka Qaran, isagoo ku tilmaamay mid lagu fashilnayo gogosha wadahadalka ee ay fidisay Puntland.

“Guddiga Doorashada Dowladda Federaalka Soomaaliya hadalka ay soo jeediyeen ma aha mid sharci waa-hore la ansixiyey lagu taageerayo, ee waxaan u arkaa mid looga hordhacayo dadaalada ay Puntland wado, laguna fashilinayo gogosha wadahadal ee Garoowe la dhigay, waana talaabo labaad oo jid-gooyo ah, marka laga soo tago warsaxaafadeedkii ay Wasiiradu qabteen” ayaa lagu yiri War kooban oo kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Puntland.

Ma jirto faahfaahin kale oo Madaxtooyada Puntland ka bixisay arrintan iyo sababta keentay in Madaxweynaha Puntland uu ka caroodo warka kasoo baxay Guddiga Doorashada Qaran oo ahaa soo dhowey iyo dalbasho Baarlamaanka ku socotay si loo dedejiyo xeerarka iyo sharciyada muhiimka u ah sharciga Doorashada.

Image

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON