Monday, July 14, 2025

Madaxweynaha Somaliland oo ku sii jeeda magaalada Addis Ababa. [Martiqaad uu ka helay Abiy Ahmed]

Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in madaxweynaha Somaliland uu Berri qorsheynayo inuu socdaal ku tago dalka Itoobiya.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu martiqaad ka helay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo ay ka wadahadli doonaan xiriirka labada dhinac oo uu mugdi soo galay tan iyo intii uu xilka yimid Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed.

Waa markii ugu horeysay ee Muuse Biixi uu socdaal ku tago dalka Itoobiya intii dalka Itoobiya hoggaankiisa qabtay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo isbaheysi dhow la leh madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON