Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa casuumaad hor leh u fidiyey dhiggiisa dalka Eritrea isagoo ku marti qaaday inuu booqasho ku yimaado Soomaaliya.
Casuumaadda cusub ee madaxweyne Farmaajo u fidiyey madaxweynaha Eritrea ayaa markan loo marsiiyey wafdigii dowladda Eritrea u soo dirtay Soomaaliya ee uu hoggaaminayey wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi oo socdaal ku yimid Muqdisho.
Wafdiga Eritrea oo soo gabagabeeyay socdaalkoodu qaatay muddo 3 maalmood ah ayaa kulamo kala duwan la yeeshay madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisal wasaaraha, waxaana xaflad casho sharaf ah xalay loogu sameeyay magaalada Muqdisho