Wednesday, June 25, 2025

Madaxweynaha Soomaaliya oo Telefoon kula xiriiray Madaxweynaha Masar [Maxay ka wadahadleen..?]

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka telefoonka kula xiriiry dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al Sisi.

Xiriirkan yaa la sheegay inay labada madaxweyne uga hadleen xiriirka labada dal, iyadoo warbaahinta dowladda ay qortay inuu Farmaajo uga mahadceliyay Sisi taageerada joogtada ah ee ay Dowladda Masar la garab taagantahay shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa marka hore ugu hambalyeeyay Madaxweyne Sisi guushii uu ka gaaray doorashadii madaxtinimo ee dhawaan ka dhacday Masar, wuxuuna caddeeyay in soo laabashadiisu ay gacan weyn ka gaysanayso sii xoojinta xiriirkii adkaa ee ka dhaxeeyay labada dal.

Madaxweyne Sisi ayaa dhankiisa adkeeyay in Masar ay diyaar u tahay in ay gacan ku siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaallada ay ku xasilinayso dalka, isaga oo uga mahadceliyay Madaxweyne Farmaajo guulaha la taaban karo ee ay Dowladda Federaalku ku tallaabsatay bilihii lasoo dhaafay.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in labada madaxweyne ay ka wadahadaleen sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhex taagan Soomaaliya iyo Imaaraadka oo gaaray meel xun.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON