Tuesday, June 24, 2025

Madaxweynaha Suudaan oo soo jeediyay Suuq Dhaqaale oo ay yeeshaan dalalka Geeska Afrika [Akhriso]

Wadahadal laba geesood ah ayaa magaalada Khartoum ku dhex maray wadfiga madaxweyaha Soomaaliya iyo dowladda Suudaan.

Wadahadalka labada dowladood oo kala hoggaaminayeen labada madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Cumar Xasan Albashiir ayaa looga hadlay iskaashi dhex mara labada dal iyo arrimaha ay wadaagaan.

Wakaaladda wararka Suudaan ayaa baahisay in madaxweyne Albashiir khudbad uu ka jeediyay shirka labada dal uu ka sheegay in Suudaan xiriirka labada dal uu yahay mid soo jireen ah, isla markaana ay Suudaan ku dadaaleyso sidii nabad waarta uga dhalan lahayd Soomaaliya, iyadoo sii wadi doonta taageerada kala duwan ee ay siiso Soomaaliya oo ay ka mid tahay dhismaha ciidamada booliska, milateriga iyo Sirdoonka.

Madaxweynaha Suudaan ayaa soo bandhigay dalalka Geeska Afrika ay ayeeshaan Suuq Dhaqaale si ay dowladaha ku yaalla mandiqada Geeska Afrika uga faa’iideystaan kheyraadkooda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mahadceliyay sidii loogu soo dhoweeyay dalka Suudaan, wuxuuna sheegay in Suudaan ay ka filayaan taageero dheeraad ah sida waxbarashada iyo tababbarrada, iyadoo buu yiri ay Suudaan xilligan wax ka bartaan arday Soomaaliyeed oo gaareysa 6000.

Suuqa Dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa loo diiday dalal dhowr ah oo ay Soomaaliya ka mid tahay, waxaana fekradda madaxweynaha Suudaan ay tahay mid ay soo dhoweeyeen madaxda Soomaalida.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON