Madaxweynaha Dalka Suudaan Gen.Cumar Xasan Albashiir oo khadka taleefanka kula soo xiriiray Madaxweyne Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isagoo uga tacsiyadeeyay shacabka Soomaaliyeed ee ku shahiiday weerarka argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Albashiir ayaa sheegay in shacabka iyo Dowladda Suudaan ay ku garab taagan yihiin walaalahood Soomaaliya ,shacab iyo dowladba, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, falalka noocaan oo kale ah aysan hor istaagi karin dadaalka shacabka Soomaaliyeed ay ugu jiraan dib u dhiska dalkooda.
Madaxweyne Albashiir ayaa caafimaad deg deg ah Alle uga baryey dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhaawacyadu ay ka soo gaareen weerarkan wuxuushnimada ah, sidoo kalena intii shahiidday uu hooygooda ka yeello jannatul fardowsa.
Dhinca kale madaxweyne Farmaajo ayaan weli ka hadlin weerarkii Muqdisho ee mudadda dheer qaatay oo dad ka badan 35 qof ay ku dhinteen, waxayna dad badan baraha bulshada ku cambaareeyeen aamusnaanta madaxweynaha.