Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ku goodiyey inuu dhammaan Ciidamadiisa ka tirsan Howlgaka Midowga Afrika ee AMISON uu kala baxayo Soomaaliya, haddii la isku dayo in tiradooda la dhimo, sida Golaha Amniga Q/Midoobay uu qorsheeyay.
Madaxweyne Museveni ayaa caddeeyay inuu Golaha Ammaannka ee Qaramada Midoobey ugu wargeliyay in ciidamada Uganda ee jooga Soomaaliya oo gaaraya 6,400 Askari uu dhammaantood kala baxayo Soomaaliya, haddii Goluhu amro ama ku adkeysto qorshahooda ah in la yareeyo ciidamada AMISOM.
“Waxaay noo soo jeediyeen Golaha Amniga Q/Midoobay in tirada ciidankeenna aan yareyno, laakiin waxaan u sheegay inaan ciidamadeena Soomaaliya dhimayo, laakiin aanan kasoo saareynin hal Askari ama aan dhammaantood soo saarayo”. ayuu yiri Madaxweyne Musaveni.
Go’aankan ayaa la mida kii uu dhowaan qaatayMadaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza oo isna ku hanjabay inuu dhammaan Ciidankiisa kala baxayo Soomaaliya, markii Midowga Afrika uu ka dalbaday inuu 1000 Askari ka saaro Soomaaliya.
Madaxweynaha Uganda ayaa ku doodaya in Ciidanka AMISOM oo guud ahaan ka baxa Soomaaliya ay ku xiran tahay howlgalka dowladda Somaliaoo sameysata Ciidamo.