Friday, June 27, 2025

Madaxweynayaasha dalalka Mareykanka iyo Iiraan oo hanjabaadyo kulul is weydaarsaday [Akhriso]

Iyadoo ay kasii dareyso xiisad ka dhex taagan dalalka Mareykanka iyo Iiraan ayaa waxaa ereyo kulul is weydaarsaday madaxweynayaasha Iiraan iyo Mareykanka oo dagaal isugu hanjabay.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa u jawaabay dhiggiisa dalka Iiraan oo ug hanjabay in dagaal Mareykanku la galo Iiraan uu noqon doono hooyadda dagaalalda dunida, isagoo Trump u sheegay inuusan ku ciyaarin seynta Libaaxa.

Trump oo ah madaxweyne aad u fudud ayaa si degdeg jawaab u soo dhigay bartiisa Twitter-ka wuxuuna ku yiri “ Iiraan waxay wajihi doontaa halis iyo cawaaqib ay yar tahay in la helo cid kale oo la kulantay marka taariikhda dib loo fiiriyo,  haddii ay halis ku noqoto Maraykanka..”

Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Iiran Aayatullah ayaa isna Mareykanka ku tilmaamay sheydaan aanay wax macne ah lahayn heshiis lala galo, isla markaana aan la aamini karin.

Madaxweyne Trump ayaa Bishii May ee sanadkan 2018 ka baxay heshiiskii Niyukliyeerka Iiraan, arrintaas oo  keentay xiisad ka dhex taagan Mareykanka iyo Iiraan, kadib markii Mareykanka dib u soo celiso cunaqabataynta dhaqaale, inkastoo ay ka soo horjeedsadeen UK, Faransiiska, Shiinaha, Ruushka iyo Jarmalka kuwaas oo dhammaantood sixiixay heshiiskii 2015kii.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON