Wednesday, June 25, 2025

Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Iiraan oo hadallo kulul isku weydaarsaday Golaha Q/Midoobay

Madaxweynaha waddanka Iiraan, Xasan Ruuxaani, ayaa khudbad uu ka jeediyay Qaramada Midoobay waxa uu si xooggan ugu cambaareeyay dhaleecaynta uu dalkiisu kala kulmay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Ruuxaani ayaa sheegay in hadalkii weerarka ahaa ee ku jiray khudbaddii uu Trump goor hore ka jeediyay Qaramada Midoobay uu ahaa mid uu ka muuqday jaahilnimo, wax laga yaqyaqsiyoodo iyo naceyb.

Madaxweyne Ruuxaani ayaa sheegay in dadkiisa aysan cabsi gelini doonin hanjabaadahaasi.

Madaxweyne Trump mar u khudbad ka jeedinayay Qaramada Midoobay
Madaxweyne Trump mar u khudbad ka jeedinayay Qaramada Midoobay

Trump ayaa Iiran ugu yeeray dowlad gardaadisa Argagixisada oo keli talis ah, isla markaana faafisa oo colaadda, wuxuuna ugu hanjabay inay xukunka Iiraan uu dunida ka suuli doono.

Madaxweyne Trump waxa kale oo Iiran uu ugu yeeray hogaankeeda dilaaga ah, waxa uu yiri Iiraan waxay isku deydey in ay deganaansho la’aan ka abuurto Bariga Dhexe oo dhan.

Donald Trump ayaa ugu baaqay Iiran in ay joojiso taageerada ay u fidiso argagixisada isla markaana waxa uu canbaareeyay heshiiskii uu Obama la galay Iiraan.

Balse Madaxweyne Ruuxaani waxaa u difaacay heshiiskaasi waxa uuna sheegay in Iiran ay si adag uga jawaabi doonto haddii dal kamid ah kuwii heshiiska barnaamijka nukliyerka saxiixay u ku xadgudbo.

Madaxweynaha Iiraan wuxuu Mareykanka ugu yeeray dal isla weyn oo dunida ku haya qas iyo halis amni, una hanjaba dalalka kale, wuxuuna si cad u sheegay in Iiraan ay iska difaaci doono gardarro kasta oo uga timaada Mareykanka, balse aanay noqon doonin dalka ugu horeeya ee ka baxa heshiiska Niyukliyeerka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON