Madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo wadahadallo aan la shaacin uga socdeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen ku shaaciyey heshiis cusub oo ay gaareen.
Qoddobadda ay labada madaxweyne ee Kenya iyo Soomaaliya ku heshiiyeen waxaa ka mida:
1. In xiriirka labada dal lagu soo celiyo si caadi ah, iskaashiga iyo wada-shaqaynta labada dalna la xoojiyo.
2. In Duulimaadka tooska ah ee Miqdisho iyo Nairobi lagu soo celiyo toos (Wajeer aan la soo marin) muddo toddobaad ah.
3. In muwaadiniinta wata baasaboorrada Rasmiga ah (Service iyo Diplomat) visaha Kenya ay ka qaataan Garoomada Kenya (On arrival)
Dhinaca Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay in kiiska Badda ee ICJ yaalla uusan saammayn xiriirka labada dal sida uu sheegay madaxweyne Farmaajo. laakiin Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya ayaa dhinaceeda sheegtay in madaxweyne Farmaajo uu caddeeyay inuu kalsooni ku qabo xal la isla ogol yahay in loo helo dacwadda Badda ee ICJ.