Thursday, June 26, 2025

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea oo heshiis hordhac ay ku gaaray Magaalada Asmara [Akhriso]

Dowladdaha Soomaaliya iyo Eritrea ayaa ku heshiiyay inay dib u soo ceshadaan xiririkii labada dal iyadoo danjirayaal ay magacaabi doonaan labada dal oo u kala joogi doona caasimahadaha Muqdisho iyo Asmara oo lag furi doono safaaraddo.

Arrintan waxaa ku dhawaqay Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle kadib kulankii ugu horeeyay ee magaalada Asmara ku dhex maray  madaxweynayaasha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Eritrea iyo Isaias Afwerki.

Wasiir Geelle oo magaalada Asmara kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in labada dal ee Soomaaliya iyo Eritrea ay iska kaashanayaan nabadgelyada Gobolka oo ah baahida ugu weyn ee ay qabaan dadka ku nool Geeska Afrika.

Wuxui sheegay in socdaalka madaxweynaha Soomaaliya ku joogo dalka Eritrea ujeedkeedu yahay sidii loo soo nooleyn lahaa xiriirka labada dal ee walaalaha ah, iyadoo baal cusub u furmayo dalalka Geeska afrika, kaasoo ah nabad iyo horumar.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON