Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoo ka qeyb geli doona shirka dowladda Federalka iyo maamul Goboleedyada.
Gaas ayaa intii uusan ka soo duulin magaalada yiri sheegay inuu magaalada Muqdisho uga qeyb galayo shirka Amniga Qaranka, oo ay isugu imaanayaan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, shirka oo socon doona laba maalmood.
Shirkan oo berri la filayo inuu ka furmo magaalada Muqdisho ayaa lagu waddaa in looga hadlo arrimo badan oo ay ka mid yihiin waxyaabihii ka qabsoomay Shir horay u dhexmaray dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda.
C/weli Gaas ayaa Muqdisho la yimid ciidamo ilaalo ah oo had iyo goor uu u kaxeyso caasimadda Soomaaliya. Waxaana garoonka Muqdisho ku soo dhoweeyay wasiiro uu horkacayo Wasirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya.