Wednesday, July 2, 2025

Madaxweyne Deni oo ka laabtay Dacwad uu kusoo oogay Xildhibaan Cawil X. Daad & Waanwaan uu ka aqbalay….

Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa ka noqday dacwad uu faray xeer ilaalinta Puntland inay ku qaado xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo su’aalo adag weydiiyey, taasoo keentay inuu Madaxweyne Deni isagoo careysan ka baxo fadhigii furitaanka Baarlamaanka Puntland.

Madaxweyne Puntland ayaa degmada Qardho kula kulmay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo gaaraya 20 Mudane, kuwaas oo waanwaan ka dhex sameeyay xildhiban Cawil Xasan Daad iyo Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni; waxayna xildhibaannadaasi ka codsadeen inuu iska cafiyo xildhibaanka, isla markaana ka noqdo dacwadda ay kusoo oogeyso xeer ilaalinta Puntland.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in xildhibaanada oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Puntland ay gaarsiiyeen dhambaal raaligelin ah oo ku saabsan arrinta Xildhibaan Cawil Xasan Daad, iyagoo sheegay inay in hab-dhaqankii ka dhacay Furitaankii Kalfadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland, aysan ahayn wax u qalma Maamulka Puntland ee 21-sano jirsatay.

Qoraalka waxaa lagu sheegay inay xildhibaannada u gudbiyeen madaxweynaha Puntland dhambaal raaligelin ah iyagoo codsaday in la cafiyo Xildhibaan Cawil Xasan Daad, Xeer illaalintu ay la laalabato Dacwada ay ka gudbisay Xildhibaanka, iyadoo kadibna uu madaxweyne Deni ka aqbalay codsigaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON