Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdulllahi Deni ayaa weriye dhalinyarro ah oo caan ah u magacaabay afhayeenka maamukliisa kadib wareegto kasoo baxday xafiiskiisa May, 12, 2019.
Wareegtada ayaa u qorneyd sida soo socota:
Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland
Markuu tixgeliyey: Aqoontiisa iyo khibraddiisa
shaqo
Waxuu Xeeriyey:
1. Waxaa Jaamac Yuusuf Jaamac (Dabaraani) loo magacaabay Afhayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland
2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.
Weriye Jaamac Dabaraani ayaa ahaa weriye ka howlgala warbaahinta TV-yada dalka, wuxuuna asaasay Daparania Media oo ka howlgasha degaanada Puntland.