Monday, July 14, 2025

Madaxweyne Deni & Safiirka Sacuudiga oo kulmay [Puntland & Sacuudiga oo iska kaashanaya..]

Madaxtooyada maamulka Puntland ayaa shaacisay in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Nairobi uu la kulmay Safiirka Boqortooyada Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Dr. Mohammed Khayat, ayna ka wadahadleen xiriirka labada dhinac.

Kulanka ayaa la sheegay in looga hadlay xiriirka ganacsi iyo siyaasiadaee Puntland iyo Sacuudiga, iyo sidii dalka Sacuudigu ay Puntland gacan uga siin-lahaayeen la dagaalanka argagixisada, Amniga, Iskaashiga ganacsiga, dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Danjiraha Sacuudiga Dr. Mohammed Khayat ayaa sheegay in kulanka uu muhiimad gaara lahaa, isla markaana Boqortooyada Sacuudiga ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay Puntland uga samaynayso maalgashi.

Madaxweyne Deni ayaa uga mahadceliyey safiirka qaabilaadda uu ku soo dhoweeyay Safaaradda dalka Sacuudiga iyo is af-garadka buuxa ee laga gaaray wadahadalkooda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON