Thursday, June 26, 2025

Madaxweyne Famaajo oo booqasho taariikhi ah maanta ugu dhoofay Magaalada Asmara [Daawo Sawirro]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ayaa maanta u dhoofay magaalada Asmara ee dalka Eritrea, isgoo booqasho saddex maamlood ah oo rasmi ah uga bilaabaneyso halkaasi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed oo booqda dalka Eritrea, wuxuuna wadahadallo la qaadan doonaa dhiggiisa dalka Eritrea  Asias Afawerki, iyadoo Eritrea ay dhowaan la heshiisay Itoobiya, ayna baahi weyn u qabto heshiis dhex mara Soomaaliya si looga qaado cunaqabateynta ay saartay Q/Midoobay markii lagu eedeeyay inay taageerto kooda Alshabaab.

Safarkan waxaa ku weheliya Madaxweyanaha xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno iyo qaar kamid ah la-taliyeyaasha Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Caasimadda Asmara ayaa laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta Wafdiga Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, iyadoo wadooyinka lagu xardhay calamada labada dal ee Soomaaliya iyo Eritrea.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON