Tuesday, June 24, 2025

Madaxweyne Famaajo oo lagu qanciyey inuu tago Dhuusmareeb iyo Kheyre oo ku wajahan

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ugu danbeyn aqbalay inuu tago shirka Dhuusamareeb wejigiisa labaad, kadib wadahadallo dhex maray Ra’iisal wasaaraha iyo la-taliyeyaashiisa.

Madaxweyne Farmajo ayaa hore uga cagajiidayey tegista Dhuusamareeb, halka Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre diyaar u ahaa ku biirista shirka iyo in heshiis laga gaaro khilaafka ka taagan Doorashada, waxaana wararkii ugu danbeeyay sheegayaan inuu Madaxweynaha ogolaaday, kadib cadaadis dhinacyo badan uga yimid.

Farmajo-Kheyre

Ra’iisal wasaaraha oo ay la socdaan wasiiro ka tirsan xukuumadiisa ayaa lagu wadaa inuu Berri gaaro magaalada Dhuusmaareeb, iyadoo kadibna uu tegi doono Madaxweynaha marka la isku waafaqo ajandayaasha wejiga labaad ee shirka Dhuusamareeb.

Waa markii ugu horeysay ee madaxda dowlad Goboleedyada ay shir ugu yeeraan Madaxweyne xil haya, kadib markii ay diideen shirkii Golaha Amnig ee Muqdisho ka dhici laha 5-8 July 2020.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON