Sunday, July 27, 2025

Madaxweyne Faramaajo oo Dhambaal degdeg ah u diray Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa dhambaal hambalyo oo degdeg ah u diray Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson iyo xisbigiisa oo ku guuleystay Doorashadii guud ee dalkaasi.

Madaxweyne Farmaajo aya qoraal uu soo dhigay bartiisa shaqsiga ah ee twitter-ka ku sheegay inuu ugu hambalyeynayo Ra’iisal Wasaaraha Boris Johnson & xisbigiisa guusha ay ka gaareen doorashada, islka markaana uu rajeynayo inuu Ra’iisal wasaaraha UK kala shaqeeyo xoojinta xiriirka labada dal.

”Waxaan ugu hambalyenayaa Ra’iisal wasaare Boris iyo xisbigiisa Guusha doorashada. Waxaan rajeyneynaa inaan kala shaqeyno sii xoojinta xiriirka labada dal. Hambalyo Ra’iisal wasaare” ayuu qoraalkiisa kuyiri Madaxweyne Farmaajo

Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada UK Boris Johnson ayaa ka mid ahaa madax booqatay Magaalada Muqdisho, markii la doortay Madaxweyne Farmaajo Bishii Maarso ee Sanadkii 2017, markaasoo uu ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda UK.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON