Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalinta hallinyarada Dunida farriin diray farriin ayaa sheegay in xuquudqdii dhalinyarada ee hoggaaminta dalka ay caqabad ku yihiin Doorashaooyinka dadban.
”Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa muujiyey caqabadaha hortaagan riyada dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku saabsan sidii ay u heli lahaayeen xuquuqdooda ku aaddan hoggaaminta iyo maareynta talada dalka, caqabadahaas oo ay ka mid tahay hannaanka siyaasadda ku dhisan nidaamka qabaliga ah iyo doorashooyinka aan tooska ahayn ee ku saleysnayn xulista..” ayuu farriintiisa ku yiri Madaxweyne Farmaajo.
“Waxaa xaqiiq ah in riyada dhallinyaradeenna Soomaaliyeed ay kala dhantaaleen duruufaha adag ee uu soo maray dalkeenna, gaar ahaan dhanka ka qeyb galka siyaasadda iyo hoggaaminta talada dalka, maadaama iyaga oo ah qeybta ugu badan bulshada haddan aysan fursad u helin in ay mustaqbalkooda go’aamiyaan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorka wanaagsan ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay maanta ka qaadanayaan horumarinta dalka, hoggaaminta Ciidamada Qalabka Sida iyo dadaallada halyeeyada bahda caafimaadka oo dhallinyaro u badan, kuwaas oo naftooda u huray sidii ay dadkooda uga samata bixin lahaayeen cudurka COVID-19.