Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo labadii maalmood ee ugu danbeysay ku sugnaa dalka Burundi ayaa caawa gaaray magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.
Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa Berri wadahadal la yeelan doona madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka wadahadli doonaan xiriirka labada dal iyo xaaladda kala guurka ee ciidamada AMISOM, iyadoo ay shir degdeg ah la isugu yeeray madaxda dalalka ay ciidamadoodu ka tirsan yihiin AMISOM.
Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xasan Maxamed Cali, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Mudane Cabdisaciid Muuse Cali iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Mudane Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarsho).
Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmajo mar kale ku sii jeedo magaalada Adis ababa oo Itoobiya ay wado dadaal ay ku kulan siineyso isaga iyo madaxweynaha Somaliland oo Berri isna halkaasi gaaraya.



