Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi balaaran oo uu hoggaaminayo oo ka soo amba baxay Gaalkacyo ayaa gaaray magaalada Cadaado ee xarunta KMG Galmudug.
Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Cadaado, iyadoo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka Galmudug,siyaasiin, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ay soo dhaweeyeen Madaxweynaha.
Ammaanka magaalada Cadaado ayaa siweyn loo adkeeyey,waxaana lafilaya wafdiga madaxweyanaha in uu kulamo la qaato masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in socdaalka uu ku marayo gobollada Galmudug uu yahay mid uu ku xoojinayo nabadda iyo is dhex-galka Bulshada.