Tuesday, July 1, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo Agaasime cusub u magacaabay Warfaafinta Madaxtooyada (Waa kuma..?)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa magacaabay afhayeenkiisa cusub ee agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya.

Qoraal Ingiriis lagu qoray oo lagu baahiyey barta Madaxtooyada Soomaaliya ee Twitter-ka ayaa lagu shaaciyey magacaabidan iyadoo lagu shegeay in C/rashiid Maxamed Xaashi loo magaacaabay Agaasimaha cusub ee Warfaafinta Madaxtooyada, isagoo hore u ahaa ku xigeenka Agaasimaha.

Xilka waxaa dhowaan banneeyay C/nuur Maxamed oo noqday Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada, siina wada xilka agaasimaha markii uu xilkaasi banneeyay Dr. Nuur Diiriye Fuursade oo xilka uga tegay khilaaf dhex maray Madaxweyne Farmaajo.

Agaasimaha cusub ee Warfaafinta Madaxtooyada C/rashiid Maxamed Xaashi ayaa xilka agaasime ku xigeenka Warfaafinta Madaxtooyada July 2019, wuxuuna hore uga howlgeli jiray Diiwaan Films oo diyaarin jirtay, baraha bulshadana ku faafin jirtay muuqaallo lagu taageerayo Madaxtooyada, lagu weerarri jiray Siyaasiyiinta mucaaradka, iyadoo ay muuqaalladaasi maalgelineysay Villa Somalia oo markii dambe soo-saarihii ku abaal marisay xilka agaasime ku xigeenka warfaafinta Madaxtooyada, haddana loo daliciyey Agaasime.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON