Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa war kasoo saaray weerar duqeyn ah oo lagu qaaday xarun Alshabaab ku lahayd duleedka magaalada Saakow ee Gobolka J/Dhexe.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu amray in ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Saaxiibada ah ay duqeyn ku qaadaan xarun tababar iyo saldhig Alshabaab ku lahaayeen duleedka Saakow oo lagu burburiyay taliskii iyo qalabkii yaallay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay Alshabaab inay dagaalka u soo wareejigaan degaanada Shabaabka, isagoo ugu hanjabay in arrinta ugu muhiimsan dowladiisa ay tahay burburinta Alshabaab.
AKHRISO QORAALKA MADAXTOOYADA