Saturday, July 26, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo amarkiisii ugu horeeyay soo saaray, codsina u diray Shacabka

Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa markiisii ugu horeeyay soo saaray daqiiqado kadib markii xilka loo dhaariyay.

Madaxweyne Farmaayo shacabka weydiistay inay xasilooni muujiyan, wuxuuna ciidamada ammaanka amar ku siiyay inay joojiyaan rasaasta ay ridayaan.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka ayuu Farmaajo ku yiri: “Waxaan waydiisanayaa shacabka in ay xasillooni muujiyaan. Sidoo kale waxaan ciidamada amaanka ka codsanayaa in ay dabka ridka joojiyaan”.

Madaxweyne Farmaajo ayaa doorashadiisu keentay in rasaas tiro badan loo rido hawada iyadoo qaar ka mida rasaastaasi ay dadweyne waxyeelo u geysatay, waxaana wadooyinka Muqdisho buuxiyay dadweyne fara badan oo u dabaaldegaya guusha Farmaajo.

Waa amarkiisii ugu horeeyay ee uu soo saaro, waxaana u bilaabatay mas’uuliyad culus oo indhaha lagu wada hayo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON