Tuesday, June 24, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo Baarlamaanka u diray Dalab ku saabsan Golaha Wasiirada cusub (Akhriso)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Baarlamaanka Soomaaliya u diray Baaq ku saabsan ansixinta Golaha Wasiirada cusub ee uu soo dhisay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal uu soo saaray Madaxweynaha oo ay faafisay Madaxtooyada Soomaaliya, saacad kadib markii lagu dhawaaqay Golaha Wasiirada cusub ayuu ku bogaadiyey wasiirada cusub ee la magacaabay iyo la-tashiyadii uu sameeyay Ra’iisal wasaare Roobe.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Wasiirka Koowaad ee dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble soo dhisidda Xukuumad tayo leh oo ka shaqeyn karta hirgelinta qorsheyaasha hortabinta u leh shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ugu horreeyaan qabsoomidda doorashada, adkeynta amniga iyo sii ambaqaadidda guulihii dhanka dowladnimada ee sanadihii la soo dhaafay la gaaray..” ayaa ka mid ahaa qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka ansixinta Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble, si loo dardar geliyo howlaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha Xukuumadda, loona gaarsiiyo dalka doorasho hufan oo wakhtigeeda ku qabsoonta.

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad u jeediyey Golaga guud ee Q/Midoobay

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON