Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib booqasho rasmi ah oo uu ku tegay dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmay boqor Salmaan Bin Cabdicasiis iyo labadiisa dhaxal suge isaga oo ka codsaday in ay dowladda Soomaaliya ka taageeraan dhinacyada horumarinta, kaabayaasha dhaqaalaha, qaadista xayiraadda ganacsiga xoolaha iyo gurmadka abaaraha.
Madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in dhammaan codsiyadii ay u bandhigeen dowladda Sacuudiga laga aqbalay, isaga oo intaas raaciyay in Ra’iisal Wasaaraha magacaaban looga fadhiyo marka la ansixiyo kaddib inuu dhiso guddiyadii dhaqan gelin lahaa qodobada la isla meel dhigay.
Qorshayaashii ay dowladda Soomaaliya hordhigtay Boqortooyada Sucuudiga waxaa ka mid ahaa:
1- In la kabo Miisaaniyadda Dalka si loo bixiyo mushaaraadka ciidammada iyo shaqaalaha hay’adaha dowladda
2- Dhismaha xarumo cusub oo ay hay’adaha Qaranku ku shaqeeyaan, Garoon diyaaradeed oo cusub
3- Dib u dhiska waddooyinka laamiyada ah ee isku xira magaalooyinka dalka
4- iyo Dib u howlgelinta safaaraddii Boqortooyada Sacuudiga ee magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Farmaajo ayaa si faahfaahsan uga hadlay shaqsiyadda Ra’iisul wasaaraha uu dhowaan magcaabay Mudane Xasan Cali Kheyre iyo waxyaabaha uu ku doortay.
“Sidaad la socotaan, Ra’iisul wasaaraha aan magcaabay laba maalmood ka hor Xasan Cali Kheyre waa shaqsi leh aqoon maamul iyo mid bini’aadannimo, isla markaana ah ninka xilligaan la joogo ku habboon inaan wada shaqeynno, shacabka Soomaaliyeed uma baahna khilaaf ragaadiya madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, dadka Soomaaliyeedna waxaan u sheegayaa in aysan arrintaasi ka wel welin oo aan afarta sanno ee soo socota aan wada dhammeysan doonno, waxaa ugu muhiimsan ee aan u doortay Xasan in uu yahay shaqsi aan aaminsanahay inuu igula shaqeyn kara mabaadiideyda iyo ammaanada ummadda Soomaaliyeed, sidoo kalena aan ka wada qeyb-qaadan karno la dagaallanka musuq-maasuqa” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweynahaayaa ka codsadey Barlamaanka Federaalka ee labada aqal ah in ay si dhaqsi leh Kalsoonidooda u siiyaan Ra’iisul wasaaraha uu magcaabay, isla markaana ay dowladda cusub ee la soo dhisi doono garab istaagaan, si loo dardargeliyo howlaha adag ee hor yaalla dowladda, madaxweynaha ayaa intaa raaciyey in dhowaan Barlamaanka la geyn dooni miisaaniyad aad ugu ballaaran kuwii horey loo arki jiray, maadaama ay dowladdu heysato ballan-qaadyo waaweyn oo wax badan ku soo kordhin karna miisaaniyadda dalka.
Goobjooge.com