Monday, July 14, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo booqasho Gaara ku tegay Magaalada Nairobi [Saddex Qodob oo ku saabsan socdaalkiisa]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta ka degay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo booqasho laba maalmoood qaadan doonta uu ku joogi doono.

Socdaalka Madaxweynaha oo aan hore u qorsheysneyn ayaa warar kala duwan kasoo baxeen, waxayna ku soo beegantay iyadoo uu magaalada Nairobi sugan yahay Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Madoobe oo xalay kulan gaara la yeeshay xildhibaannada Soomaalida Kenya.

Arimaha muhiimka ah ee labada dowladoo dhex yaala oo la filayo inay ka wadahadlaan Madaxweynaayaasha Soomaaliya iyo Kenya waxaa ka mida muranka ka taagan Xuduudaha Somalia iyo Kenya ee dhinaca Badda iyo Dhulka, iyadoo labada madaxweyne ay hore khadka telefoonka uga wadahadleen dhisma Derbiga Kenya ka waday degmada Buuloxaawo ee Gobolka Gedo.

Dhinaca kale waxaa jira dadaal loogu jiro in la heshiisiiyo dowladda Soomaaliya iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo xiisad ka dhex taagan tahay, iyadoo dowladda Soomaaliya ay olole ugu jirto inuu meesha ka baxo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON