Monday, June 23, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo caddeeyay mowqifkiisa ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga

Madaxweynaha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shaaciyay mowqifkiisa ku saabsan ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya.

Isgoo ka hadlayay xafladii uu xilka kula wareegay ayuu sheegay madaxweyne Farmaajo in Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay sii joogi doonaan Dalka Soomaaliya inta laga dhisayo ciidamo Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa mahadcelin weyn u jeediyay Ciidamada AMISOM iyo beesha caalamka, wuxuuna caddeeyay in Soomaaliya markii ay dhisato ciidamo Qaran ay u mahadcelin doonaan dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayna sagootin doonaan.

Ololaha madaxweyne Farmaajo ee doorashada ayaa ku saleysnaa in ciidamada AMISOM ay dalka ka bixi doonaan, isla markaana la dhisi doono ciidamada Soomaaliya oo la tayeyn doono.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON