Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la sheegay inuu shaqsi ahaan u dhex galay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagan madaxda maamulka Galmudug.
Wararka laga helayo Madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegaya in dhammaan madaxda sare ee isku haya maamulka Galmudug looga yeeray magaalada Muqdisho oo lagu casuumay wadahadallo dhex mara oo Madaxweynaha uu dhexdhexaadinayo.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo Guddoomiyaha Baaramaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa loogu yeeray magaalada Muqdisho, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha baarlamaanka, waxaana sidoo kale xubnaha loogu yeeray Muqdisho kala mida labada guddoomiye ku xigeen ee Baarlamaanka.
Iyadoo shirka madaxda maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka uu ka furmayo magaalada Muqdisho ayaa dhinaca kale waxaa barbar socon doona dib u heshiisiinta madaxda Galmudug oo Muqdisho ka furmi doona Berri.
Goobjooge