Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminao ayaa saakay u dhoofay dalka Boqortoyada Sacuudiga.
Safarkan ayaa ku saabsan ka qeybgalka shirka Riyaad ee dalalka carabta iyo islaamka la yeelan doonaan madaxwenaha Mareykanka Donald Trump oo ku sugan magaalada Riyad.
Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan ayaa ku casuumay madaxweynaha Soomaaliya shirkan, waxaana dibu dhac ku yimid socdaalka Farmaajo oo shalay lagu waday inuu tago sacuudiga arrimo dhinaca diyaaradaga ah awgood.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mida madaxda dalalka islaamka ee la kulmi doono madaxweyaha Mareykanka Donald Trump oo socdaalkiisii ugu horeeyay ee dibadeed ka bilaabay Sacuudiga.
Goobjooge.com