Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulan uu la yeeshay Ganacsatada Muqdisho ka sheegay inuu tallaabo adag ka qaadi doono Wasiirada dowladiisa ka mid noqda ee isku dayay inay musuqmaasuq ku kacaan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay ganacsatada oo ahaa kuwii ugu badnaa ee mar qura uu qaabilo inay kaalmeeyaan dowladiisa, isla markaana ay iyaga dhaqaale ugu deeqaan dowladda Soomaaliya.
Mid ka mida ganacsatada kulankaasi ka qeyb galay ayaa Goobjooge.com u sheegay in madaxweynaha uu ka codsaday ganacsatada inay garab istaagaan dowladiisa halkii uu deyn iyo deeq ka raadsan lahaa dalal shisheeye.
Wuxuu u sheegay in wasiirkii dowladiisa ka tirsanaada ee lagu helo musuq uu xabsiga dhigi doono. “..Xabsiga ayaan dhigi doonaa wasiiradii isku daya canshuurta aad bixisaan inay lunsadaan..” ayaa ka mid ahaa ereyadii laga soo xigtay madaxweyne Farmaajo.
Arrintan ayaa digniin hordhac ah u ah boqolaal siyaasiyiin oo guluf ugu jira inay wasiiro ka noqdaan xukuumadda cusub ee Soomaaliya oo Ra’iisal wasaaraheeda Xasan Cali Kheyre aanu weli kalsooni ka helin Baarlamaanka.
DAAWO SAWIRRADA KULANKII MADAXWEYNAHA EE GANACSATADA
Goobjooge.com