Wednesday, June 25, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo Farriin Tacsi ah u Warbaahinta u mariyey Dadkii ku dhinay Qaraxii Ex. Kontrol Afgooye

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka hadlay Qaraxii qasaaraha badan dhaliyey ee maanta ka dhacay Ex. Kontrol Afgooye ee magaalada Muqdisho ee dadka badan ay ku dhinteen.

Qoraal kooban oo ay faafisay Warbaahinta dowladda ayaa lagu yiri: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey qaraxii bahalnimada ahaa ee argagixisadu ay la beegsadeen Ex-kaantorool Afgooye”

Tacsida Madaxweyne Farmaajo ayaa u qorneyd sida soo socota:

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Maanta waa maalin murugo badan oo muujineysa sida argaixisadu ay bartilmaameed uga dhigteen shacabkeenna. Waxaan tiiraanyada la wadaagayaa qoysaska dadkii naga shahiiday, waxaana Alle uga rajaynayaa inuu noo bogsiiyo dhaawaca.” “Cadawgan u shaqeeya fulinta hagardaamooyinka argagixisada caalamiga ah waligood hal shay oo horumar ah dalkeenna kuma soo kordhin, jid ma dhisin, isbitaallo ma hirgelin, xarumo waxbarasho ma sameynin. Shaqadoodu waa burburin iyo xasuuq. Shacabka Soomaaliyeed waa ka dharagsan yihiin dhagartooda.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda in awooddeeda oo idil isugu geyso sidii gurmad caafimaad oo degdeg ah loogu fidin lahaa dhaawacyada iyo qoysaska dhibaataysan, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan walaalahooda ay dhibaateeyeen cadowgu.

Dadweyne iyo siyaasiyiin ayaa madaxweyne Farmaajo hore ugu eedeeyay inuu ka gaabsado ka hadalka qaraxyada iyo waxyeelada ay u geysteen dadka Soomaaliyeed, balse uu u degdego tacsida dadka ajnabiga ee dhibaatooyinka ka dhacaan.

FARRIINTA MADAXWEYNAHA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON