Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay maalinta caalamiga ah ee Naafada Adduunka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoogga saareyso u adeegidda dadka naafada ah, isagoo farriin baaq ah u diray Aqalka Sare.
Madaxweynaha ayaa Aqalka Sare ugu baaqay in ay dedejiyaan ansixinta Sharciga Dhismaha Hey’adda Naafada Qaranka, taas oo aasaas u ah mideynta iyo dardargelinta dadaallada iyo qorsheyaasha lagu kaabayo nolasha dadkeenna naafada ah.
“Aqalka Sare waxaan ugu baaqayaa inay dedejiyaan Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hey’adda Naafada Qaranka, taasi oo fududayn doonta in dadka naafada ah ay helaan adeegyada ay u baahan yihiin”
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in falalka qaraxyada Alshabaab ay ku bartilmaamsadeen shacabka Soomaaliyeed ay kordhisay tirada dadka naafada ah, wuxuuna ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay is caawiyaan, si gaar ahna loo garab istaago dadka Naafada ah.