Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa gaaray dalka Masar, isagoo ka qeybgeli doona shir uu qabanqaabiyey madaxweynaha Masar C/fataax Alsisi oo ku saabsan xaaladda dalka Suudan.
Madaxweynaha oo ay la socdeen xubno uu ka mid yahay wasiirka Waxbrashada, waxaa ku biiray wasiirka arrimaha dibadda oo ku sugnaa dalka Masar, waxaana uu ka mid yahay hoggaamiyeyaal uu isugu yeeray madaxweynaha Masar oo hadda ah guddoomiyaha Midowga Afirka.
Madaxweynayaasha Afrika ee shirka ka qeyb galaya waxaa ka mida: Madaxweynaha ChadIdriss Deby,
Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame, Madaxweynaha Congo Denis Sassou-Nguesso, Madaxweynaha Somalia Mohamed Abdullahi Mohamed, Madaxweynaha South Africa Cyril Ramaphosa iyo Madaxweynaha Dijbouti Ismail Omar Guelleh.
Shir kale oo looga hadlayo arrimah dalka Liibiya ayuu martigelin doonaa madaxweynaha Masar, kaasoo aysan qeyb ka ahayn Soomaaliya.



