Monday, July 14, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo Galabta Muqdisho dib ugu laabtay kadib safar qaatay 16 Maalmood

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dib ugu soo laabtay galabta magaalada Muqdisho, kadib markii uu soo  gabagabeeyay safar qaatay u dhowaad saddex todobaad.

Socdaalka madaxweynaha oo ahaa kii ugu dheeraa ayuu ku maray magaalooyinka maamullada Puntland iyo Galmudug. Madaxweyne Farmaajo ayaa safarkiisa ku soo gunaanaday degmada taariikhiga ah ee Hobyo, halkaasoo maanta gaaray, isagoo dhagax dhigay Dekeda Hobyo.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka hor inta uusan Hobyo tagin waxaa uu saacado ku sugnaa Cadaado oo uu mar kale dib ugu laabtay, si uu u xaliyo tabashada beesha Cadaado ka qabtay heshiiskii Ahlusuna iyo Galmudug.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa  bilowday 7-dii bishan, isagoo ka degay magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland, waxaana kaddib uu tagay Qardho, Boosaaso, Gaalkacyo. kadibna wuxuu booqday degaanada Galmudug, sida Koofurta Gaalkacyo, Cadaado, Dhuusa Mareeb, Guriceel, Caabudwaaq, Xeraale iyo Hobyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON