Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Guddi u saaray soo qiimeynta Xaaladah maxaabiista ku xiran Xabsiyada Dowaladda.
Qoraal kasoo baxay madaxtooyada oo uu ku saxiixnaa Agaasimaha madaxtooyada ayaa lagu sheegay inuu Madaxweyne Farmaajo ka welwelsan yahay xaaladda maxaabiista la xukumay iyo kuwa cadaalad sugayaasha ah ee ku jira Xabsiga Dhexe.
Xabsiga Dhexe ayaa dhowaan waxaa ku geeriyootay haweeney lagu xukumay xabsi 15 sano ah oo lagu helay kiis Alshabaab ku lug yeesheen.
AKHRI QORAALKA