Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa faray Hay’adaha Amniga inay wadooyinka u furaan shacabka oo ay sahlaan isu socodka magaalada.
Qoraal uu madaxweynaha soo dhigay baraha bulshada ayuu amarkan ku faray hay’adaha amniga isagoo yiri: “Waxaan farayaa hay’adaha amniga inay shacabka u sahlaan isu socodka magaalada, jidadka xiranna loo furo..”.
Madaxweyanah ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Nabadgelyadu ay ku timaado wadashaqeyn dhex marta labada dhinac. Wuxuuna shacabka ka dalbaday inay la shaqeeyaan wiilasha iyo gabdhaha u taagan inay ka difaacaan kooxaha argagixisada, sida uu yiri.
Arrintan ayaa ka dambeysan qeylo dhaan kasoo yeertay dadweynaha Muqdisho oo ku saabsan ciidamada dowladda oo kala xiray xaafadaha magaalada Muqdisho, taasoo caasimadda ka dhigtay meel aanay suuragal ka ahayn dhaqdhaqaaq.