Saturday, July 19, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo jawaab kasoo saaray War-murtiyeedkii Madaxda Maamul Goboleedyada [Akhriso]

Muqdisho, Oktoobar 11, 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) wuxuu si dhaw ula socdaa dareenka ay muujiyeen madaxda Dowlad Goboleedyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa  hoosta ka xarriiqayaa in ay lagama maarmaan tahay wada shaqeynta hey’adaha Federaalka iyo hey’adaha heer Dowlad Goboleed si looga mira dhaliyo waajibaadka dastuuriga ee na wada saaran iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

“Dhammaan madaxda dalka ee heerarka kala duwan waxaan xasuusinayaa inuu dalkeenu ku jiro dib u kabasho dhinac walba leh, waddada kaliya ee lagu gaari karo dib u kabasho dhameystiranna ay tahay midnimo iyo wadashaqeyn ku dhisan maslaxadda guud oo ah midda aan dhammaanteen u dhaarannay.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in ay marwalba imaan karto dhaliil iyo dal-daloollo ka yimaada wadashaqeynta heerarka kala duwan ee dowladda, waxaase lagama maarmaan ah in lagu xalliyo wadahadal iyo is-qancin u dhexeeysa madaxda iyo hay’adaha iyada oo la raacayo habraaca dastuurka iyo qawaaniinta dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ku kalsoonyahay in loo gudbi doono wada shaqeyn iyo iskaashi si looga mira dhaliyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON