Monday, July 14, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo ka baaqday Munaasabadii Ciidamada Booliska & Hambalyo uu diray

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray dhammaan Ciidammada Booliska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa hambalyeeyay Ciidamada Booliska iyo qoysaskooda, munaasabadda 20-ka December awgeed oo ku beegan sannad-guuradii 74-aad ee kasoo wareegtay aasaaska Ciidammada Booliska Soomaaliyeed oo la dhisay sanadkii 1943.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku amaanay Ciidamada Booliska Soomaaliya doorka ay ku leeyihiin hormarka Bulshada iyo amniga, wuxuuna sheegay inay yihiin Halyeeyo xaalado kala duwan oo dalka uu soo maray kusoo shaqeeyay una dhabar adeegay sidii shacabka ay u heli lahaayeen xasilooni.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb gelin xafladii xuska maalinta ciidamada Booliska ee ka dhacay Dugsiga tababarka Booliska Jen. Kaahiye ee Muqdisho, waxaana ka qeyb galay Ra’iisal wasaaraha Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow (Ducaale).

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON