Thursday, July 17, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo ka baaqday shir madaxeedka IGAD ee Adis ababa [Wakiil uu dirayo]

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay muddo bilo ah ka baaqsanaya safar dibadeed isagoo isku bedelaya wasiirka koowaad ee xukuumadda.

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la shegay inuu markii ugu horeysay wakiil ka noqon doono madaxweynaha Soomaaliya, isagoo ka qeybgeli doona shir madaxeedka dallaka IGAD ee berri ka furmi doona magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Shir madaxeedka IGAD ayaa looga hadlayad xaaladda dalka Koonfurta Suudaan, waxaana madaxda IGAD isugu yereay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn oo hadda ah guddoonka urur Goboleedka IGAD.

Safarka Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa noqonaya kii labaad ee uu dibadda ugu baxo, iyo socdaalkiisii ugu horeeyay ee uu ku tagayo Addis Ababa.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON