Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaalia Maxamed Cabdullaahi iyo marwadiisa Seynab Cabdi Macalin ayaa ka mid noqday madaxda caalamka ee ka qeyb galeysa shirka Golaha guud ee Q/Jidoobay oo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu soo dhoweyn iyo kulan martiqaad ah ugu sameeyay xarunta Q/Midoobayee New York.
“Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Marwada Koowaad ee dalka Marwo Zaynab Cabdi Macalin ayaa ka qeyb galay kulan soo dhaweyn ah oo uu Madaxweynaha Mareykanka Mudane Donald Trump u sameeyay madaxdii kasoo qeyb gashay Meertada 74-aad ee Golaha Qaramada Midoobay…” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.
Farmaajo ayaa Mareykana u jooga shir madaxeedka sanadlaha ah ee Qaramada Midoobay, kaasoo uu markii ugu horreysay ka qeyb galayo, kadib markii uu iska celiyey dhalashada Mareykanka, isagoo dalkaasi ku noolaa muddo ka badan 20 sano, kana mid ahaa xisbiga Jamhuuriga.