Tuesday, June 24, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo ka mid noqday Madaxda ka qeyb galeysa Shirka 7aad ee Afrika & Japan (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka mida in ka badan 20 hoggaamiye Afrikan ah oo qeyb galay wareega 7aad ee Madasha Iskaashiga Afrika iyo Japan oo ka furmay magaalada Yokohama ee dalka Japan.

Furitaanka Shirka oo ay wadajir u guddoominayeen Ra’iisul Wasaaraha Japan Mudane Shinzō Abe, Madaxweyne sharafeedka iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika Mudane Cabdulfataax Alsiisi iyo Mudane Muuse Faqi ayaa la isla qiray muhiimadda shirkan uu u leeyahay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalalka Afrika.

Shirarka Madashan ayaa inta ay socdaan waxaa lagaga arrinsan doonaa shaqo abuurka dhallinyarada,xoojinta fursadaha haweenka, dhiirri gelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo qiimeynta miro-dhalka mashaariicda Qaramada Midoobey iyo Japan ay wada jirka uga fulinayaan dalalka Afrika.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa qeyb ka ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Eng. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo La-taliyaha Madaxweynaha Mudane Balal Cismaan.

Madaxda shirka ku sugan waxa ka mida madaxweynayaasha Masar, Kenya, Jabuuti, Uganda iyo madax kale, waxaana la filayaa in Japan ay ku dhawaaqdo mashaariic iyo taageero dhaqaale oo ay siineyso Afrika.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON