Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay Shir Madaxeedka 36-aad ee Urur Goboleedka IGAD oo lag qabta Khadka fogaan aragga internetka (Video-conference).
Shirka ayaa looga hadlay horumarka laga gaaray dadaallada IGAD ee xal u helista colaadda dalka Suudaanta Koonfureed; Qorshaha dalalka IGAD ay ku wajaheen cudurka COVID-19 iyo qodobo kale oo la xiriira arrimaha iskaashiga iyo is dhexgalka dhaqan-dhaqaale ee dalalka Gobolka.
Madaxweynaha ayaa khudbadiisa shirka ka sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay inay kaalinteeda ka qaadato sidii xal waara loogu heli lahaa colaadda dalka Suudaanta Koonfureed, isagoo bogaadiyay dadaallada dib u heshiisiinta ee ka socda dalkaas.
“Waxaan jeclahay in aan qiro dadaallada ay muujiyeen dhammaan qeybaha ka shaqeeynaya suurtagelinta heshiis nabadeed iyo xoojinta iskaashi amni. Waxaan sidoo kale soo dhaweynayaa hanaanka socda ee isku dhafka iyo dib u dhiska hey’adaha amniga iyo kuwa rayidka oo loo dhan yahay ee Suudaanta Koonfureed..” ayuu shirka ka shegay Madaxweyne Farmajo sida a shaacisay Madaxtooyada Somalia.
DHinaca kale, wuxuu Madaxweyne Farmaajo la wadaagay hoggaamiyeyaasha kale ee dalalka IGAD saameynta uu cudurka COVID-19 ku yeeshay Soomaaliya, waxa uuna boggaadiyay isku xirnaanta iyo wada shaqeynta heer Gobol ee lagu wajahay cudurkan.



