Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay dalka Masar, halkaasoo la sheegay inuu uga qeyb galayo shir degdega oo ay yeelanayaan Madaxda Midowga Afrika.
Shirkan ayaa lagaga arrinsanayaa xaaladda dalka Suudaan iyo sidii xal waara looga gaari lahaa qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira dalkaas.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay: “Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xusuusan hiilkii iyo garab istaaggii Dowladda iyo shacabka Suudaan ay u galeen walaalahooda Soomaaliya, xilliyadii adkaa, ayaa mudnaanta siinaysa ka qeyb qaadashada dadaallada heer gobol iyo heer qaaradeed ee ku aaddan samata bixinta dalka Suudaan”
Waxaa la filayaa Madaxweyne Farmaajo inta uu ku sugan yahay dalka Masar inuu la kulmo Madaxda Afrika iyo masuuliyiinta dalka Suudaan ee ka qeyb galaya shirkan.