Monday, July 14, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalay Kulanka Maalinta Alle-Bariga & Ducada ee Dalka Kenya

Madaxweynaha Dawladda Faderaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Kenya ayaa ka qeyb galay maalinta Qaran ee Alle-bariga iyo Ducada loo sameeyo dalka Kenya.

Kulanka oo ka dhacay Safari Park Hotel ee magaalada Nairobi waxaana ducada hoggaaminayey madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, iyadoo uu wehliyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa goobtasi ka hadlay isagoo sheegay in ururka Al Shabaab ay sheegtaan Islaannimo balse ay magaca ka dilaan Islaamka. Wuxuu intaas ku daray in Al Shabaab ay layso dad aan waxba galabsanin.

Madaxweynaha oo ka hadlayay kulan duco ah oo Kenya ay qabsato sannad walba ayuu ku sheegay in ay tahay maalin wayn oo mudan in la wada duceysto.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON